Ururada Bulshada Rayidka Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Ka Digey In La Musuqmaasuqo Doorashada Hogaanka Ururada Ee Koonfur Galbeed

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ka dhici doonta dhawaan doorashada Gudoomiyhaha iyo Maamulka Ururada aan dowliga aheyn ee ka jira seddaxda Gobolka ee uu ka kooban yahay Maamulka Koonfur galbeed.

Sidoo kale shirkaas ayaa waxa la damacsanyahay in lagu dhiso hey’adda Jiliyaasha aan dowliga aheyn ee Koonfur galbeed, iyadoo ay howshaas ay ka faa’ideysanayaan dad dano gaar ah ka leh shirarka hase ahaatee aan wax dan ah u wadin bulshada Koonfur galbeed.

Gobolada Koonfur galbeed ayaa loo qeybiyey Uruada oo gaaraya ilaa Konton Ururo, Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa la siiyey min Labaatan Urur halka Shabeelada hoose la siiyey toban Urur.

Ururada ka jira Shabeelada hoose ayaa si adag uga soo horjeestey arintan lagu saameeyey, iyagoo ka digey in ay halkaas ka dhalan karaan wada shaqeyn xumo iyo ku tagri fal awoodeed oo ay la yimaadaan  maamulada Ururada ee lagu dhisi doono shirarka Baydhabo lagu qabanayo.

Waxa ay ka digeen in la duudsiiyo Ururo in mudda ah ka dhex shaqeenayey bulshada dhiban ee Gobolka Shabeelada hoose, hase ahaatee garab taabasho lagu samaayo shaqsiyaad aan matali karin Bulshada Gobolka Shabeelada hoose ay sheegeen in laga fakaro waxa ka imaan kara.

Sidoo kale waxa ay ka digeen in la maro wadooyinkii horey loo marey xilligii la dhisaayey Gudoomiyaha Uruarada oo xilligaas loo doortey Cali Cadow, halka ku xigeenkiisa laga dhigey Cabdikariin Aweys, waxaana ay ku taliyeen hadii la rabo nidaam iyo wada shaqeyn in loo maro wado sax si loo gaaro hadafka`

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE