Weerar Lagu Dhaawacey Taliyaha Nabadsugidda Deegaanka Ka Dhacey Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan oo wadatey gaari nooca raaxada ah ayaa weerar uu ku dhaawacmey Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda deegaanka ku qaadey Gaari uu watey.

Taliyaha oo la sheegay in uu maraayey Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeynley ayaa waxa soo weeraray Kooxo hubeysan, weerarkaas ayaa waxa ku dhintey mid ka mid ah ilaalada taliyaha halka uu dhaawac soo gaarey taliyaha.

Kooxaha hubeysan oo saarnaa gaari nooca loo yaqaan NOAH ayaa ka baxsadey goobtii ay falka ka geysteen, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan kuwa falka geystey.

Taliyaha Nabad sugdidda Kaxda Maxamuud Qooley ayaa weerarkan la kulmay isaga oo ku guda jira howlihiisa shaqo, mana la oga ilaa hada cidda ay yihiin kooxaha weerarka ku qaadey.

Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa noqotey meel bahallo galeen, iyadoo ay kusoo laalaabteen falalka lagu beegsanaayo dadka dowladda u shaqeeya, muddo bil gudaheeda ayaa ku dhawaad 10 qof loogu diley degmada Siyaabooyin kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE