Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre Oo Ka Qeybgalaya Shirka Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobe

Shirka sanadlaha Golaha Qaramada ayaa maanta ka furmaya magaalada New Yorka ee dalka Mareykanka ,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wefdiga Raiisul wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray magaalada New Yorka, si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul wasaraaha iyo wefdigiisa.

Arrimaha looga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto, waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxaa sidoo kale lafilayaa in shirkaasi uu Ra’iisul wasaaraha uu ku soo bandhigo horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka uu ka taageero.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE