Shirka Baarlamaanada Wadamada IGAD Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Dalka Suudaan

Shirka Baarlamaanada Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa lagu soo gabagabeeyey magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, halkaas muddo seddax maalmood ah shirka uu ka socdey.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shirkaas waxa uga qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, iyadoo shirka laga soo saarey dhowr qodob.

Shirkan oo ahaa midkii 9-aad ayaa Gaba gabadiisa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira wadamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Afrika.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE