Amiirka Dalka Qadar Oo Khudbad Xasaasi Ah Ka Jeediyey Shirka Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobey (Video)

Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa khudbad xasaasi ah xalay ka jeediyey shirka Qaramada Midoobay Shalay uga furmay Magaalada New York ee wadanka Mareykanka.

Amiirka ayaa inta badan khudbadiisa kaga hadlay go’doominta lagu hayo dalka Qatar oo uu ku tilmaamay inay tahay xaq darro ay wadaan xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Wuxuu Sheegay inay arrintaan tahay mid laga leeyahay siyaasad qarsoon isla markaasna wuxuu carabka ku dhuftay inay marmarsiiyo ka dhiganayaan inay Qatar taageerto Kooxaha Argagixisada.

Wuxuu sheegay in Wadamada ku midoobay dallada Qaramada Midoobay ay dhammaantood marqaati ka yihiin inaysan Qatar wax taageero ah siinin Argagixisada taas badalkeedana ay juhdi ku bixisi sidii loo ciribtiri lahaa.

Wuxuu Xulafada Sacuudiga ku eedeeyey inay faragelin ku hayaan madax banaanida dalka Qatar midaasna ay tahay wax aysan qaadan karin Shacabkiisa iyo dowladiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE