Ciidamada Dalka Kenya Oo Saake Isaga Baxay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen degmadaas, oo labadii sano ee la soo dhaafay difaacayeen.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo xalay isu diyaarinaayay ka bixitaanka saldhiga ay ku lahaayeen degmada, waxaana saaka inta ay faarujin degmada ay damiyay isgaarsiinta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Kenya ay u ruqaansadeen dhinaca wadada aada degmada Beledxaawo, iyadoo aan si dhab ah loo ogqqn karin halka ay uga sii gudbi doonaan.

Degmada Baardheere ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, lama oga sababaha ay xilligan uga baxeen Ciidamada Kenya.

Bartamihii sanadkii 2015 ayay aheyd markii Ciidamada dowladda oo ay wehliyeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen degmada Baardheere oo muddo sanado ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE