Dhageyso Sarkaal Ka Shaqeenaayey Garoonka Aadan Cadde Oo Qarax Lagu Lagu Qaarijiyey

Maamulka degmada Boondheere ee gobolkan Banaadir ayaa faah faahin waxaa ay ka bixiyeen qarax khasaaro geestay oo saakay aroortii ka dhacay qeybo ka mid ah Gudaha degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye ayaa sheegtay in qaraxa uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in ninkaasi oo Magaciisa lagu sheegay Abuu Shiine loogu xiray gaarigiisa qaraxa kaas oo deganaa degmada Shibis balse markii uu marayay degmada Boondheere uu Gaarigii ku qarxay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE