Dhulgariir Xoog Badan Oo Waxyeello Geystey Ayaa Ku Dhuftey Dalka Mexico

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 7.1 ayaa ku dhuftey dalka Meksiko duhurnimadii Salaasada xiliga dalka Mexico ee bartamaha Ameerika. Boqolaal qof ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dhulgariirka, ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey dad ka badan 220 qof, waxaana kor u sii kacaya tirada dadka waxyeeladu soo gaartey.

Ciidamada Mileteriga iyo Booliska ayaa ka qayb qaadanaya badbaadinta dadka, ay ku soo dumeen guryuhu ee ku xabaalmay. Dhismayaasha ku burburay caasimadda dalka Mexico waxaa ku jiray dabaqyada dhaadheer ee la degan yahay, Dugsiyo, wershedo iyo goobaha laga dukaamaysto.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa u sheegay telefiishan gudaha dalkaas laga leeyahay in kooxaha gurmadku ay ka shaqaynayaan sidii ay dad nool uga baadhi lahaayeen burburka.

Dhulgariir kale oo xooggan oo bishan September 7-deedii ka dhacay dhinaca Koonfureed ee Mexico ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 98 qof.

Dhismayaasha ku burburay caasimadda dalka Mexico waxaa ku jiray dabaqyada dhaadheer ee la degan yahay, Dugsiyo, wershedo iyo goobaha laga dukaamaysto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE