Dowladda Fedaraalka Oo Maanta Soo Bandhigtey Qalabka Lagu Maamulo Hwada (Sawiro)

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan maanta kusoo bandhigtey qalabka lagu maamulo hawada Soomaaliyaa oo in muddo ah gacanta dowladda ka maqnaa.

Qalabkan oo lagala socon karo hawada Soomaaliya iyo Xeebaheeda ayaa muddo ka badan 27 sano gacan waxa ku haayey hey’aad gaar ah oo Qramada midoobey ay u xil saartey, iyadoo dhawaan dadaal ay sameysey dowladda ka dib lagu soo wareejiyey maamulka hawada.

Munaasabad ay ka qeyb galeen Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/laahi Oomaar iyo xildhibaanada Gudiga Gaadiidka Baarlamaanka Somaliya, ayaa lagu daah furey qalabkan cusub.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE