Haweeney Iska Soo Tuurtey Hotel Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in hotel ku yaalla halkaas ay iska soo tuurtey Haweeney degeneyd.

Hoterlka oo ku yalla laanta Salaama ee xaafadda Daallo ayaa sida wararku sheegayaan haweyndu ku hoyatey habeenkii xaley ahaa, halkaas oo ay la joogtey Seygeeda.

Duhurnimadii maanta ayaa waxa laga war helay heweeneyda oo iska tuurtey dabaqa Hotelka, iyadoo arintaas ay ku baxeen dadkii meesha ka dhawaa ee arkaayey, markii ay isasoo tuureysey.

Lama oga sababta arintan ka dambeysa hase ahaatee waxa jira warar sheegaya in uu jirey buuq saameeyey lamaanahan oo la xiriir arimo qoys, oo sababey in hotelka ay usoo degaan.

Haweeneyda isasoo tuurtey oo Koomo ku jirta ayaa la sheegayaa in loo qaadey goobaha Caafimaad ee magaalada, iyadoo Ciidamada Boliiska ay xabsiga u wadeen Seygii Gabadha qabey oo markii falkan uu dhacaayey ku maqnaa soo iibinta qado ay ku noolaanlahaayeen labadooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE