Safaaraddan Mareerkanka Ee Dalka Ethopia Oo War Kasoo Saartey Khalalaasaha Lagu Laayey Dadka Soomaalida Ah

War murtiyeed kasoo baxay safaarada wadanka Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku ay aad uga xuntahay qulqulatooyinkii lagu laayay dadka badan ee kadhacay xuduuda udhaxaysa qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Sida qoraalka safaarada Maraykanka ee Addis Ababa kasoo baxay lagu sheegay dowlada Maraykanka ayaa taliska wayaanaha ka codsatay in uu si dag dag ah oo hufan ubaadho dhacdadii ay dadka badan kudhinteen kadhacday Gobolka Harargee, halkaas oo sida qoraalka safaarada lagu sheegay uu kadhacay xasuuq ba’an oo lagu laayay dadbadan oo shacab ah oo aan waxba galabsanin.

Safaarada ayaa sheegtay in dowlada maraykanka uu kadhamaaday dulqaadkii, waxayna safaaradu sheegtay in wadanka Itoobiya uu mudo kasocday gumaad lagu hayay dad shacab ah oo aad ubadan, waxayna safaaradu sheegtay in lagaadhay xiligii wax laga qaban lahaa.

Sidoo kale qoraalka safiirka Maraykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xukuumada wayaanuhu ay dadka deegaanka kudhiiri galiso sidii ay nabada uga wada shaqayn lahaayeen isla markaana isu dajin lahaayeen si xiisada loosoo afjaro.

Dhinaca kale safaarada Maraykanka ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay in colaadaha wadanka Itoobiya kajira ay yimaadeen kadib markay dadka shacabka ah dareemeen hormar la’aan, xasilooni la’aan iyo waliba cadaalad la’aan baahsan.

Gabagabadii qoraalka safaarada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in jiritaanka wadanka Itoobiya uu kuxidhan yahay cadaalada iyo sinaanta oo laga wada shaqeeyo, wuxuuna safiirku sheegay in wadanku uu wado qodxo badan uu kusiisocdo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE