Soomaaliya Oo Laga Yaabo In Ay Lumiso Xuquuqda Codeynta Ee Qaramada Midoobey Deynta Lagu Leeyahay Darteed

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey horaantii bishan Sibteembar ka hor inta aan la isugu imaan shirka hadda socda ee golaha loo dhan yahay ee qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay afar dal oo Soomaaliya ku jirto in lagu lee yahay Qaaraamaadka iyo khidmadda laga rabo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Qoraalka ayaa lagu sheegay dalalka lagu yeesho qaraamaadka in muddo laba sano ah uu waayo karo xuquuqda uu lee yahay ee ah codeynta.

Denjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Baale ayaa sheegay in uu qoraalka arkey ayna xaqiijinayaan, sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer aysan bixin qaaraamadka Qaramada Midoobey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE