Wafdiga Xukuumadda Soomaaliya Ee Ka Qeygalaya Shirka Qaramada Midoobe Oo Shir La Qaatey Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Ruushka (Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayaao Ra’iisalwasaarahan Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan magaalada New Yorka ee dalka Mareekanka ayaa kulamo la qaatey Wasiirka arimaha dibadda ee  dalka Ruushka.

Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka wada hadlay xiriirka labada wadan, qalabeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta dagaalada lagula jiro Alshabaab.

Sergey Lavrov oo hadlay ayaa wuxuu cadeeyey inay labada dhinac ka wadahadleen sidii Soomaaliya xasilooni loogu heli lahaa, isagoo sheegay inay kulanka ay diirada ku saareen sidii ay Soomaaliya u sii wadi laheyd Dadaaaladda Nabadeeynta.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa Magaalada New York kaga qaybgelaya shirka 72aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobe, iyadoona la fillayo in uu ka jeediyo khudbad uu kaga waramayo xaaladda dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE