Akhriso Maamulka Galmudug Oo Ku Biirey Maamulada Taageerey Go’doominta Dowladda Qadar

Warsaxaafadeed laga soo saarey madaxtooyada Galmudug ayaa lagu taageereey go’aankii go’doominta ahaa oo qaar ka mid ah wadamada Khaliijka ay ka qaateen dowladda yar ee Qadar.

Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa is bar bar taag u muujisay wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, oo lagu sheegay in xiriir soo jireen oo taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Tallaabada uu qaadey Maamulka fadhigiisu yahay magalada Cadaado ayaa ka dhigan maamulkii afaraad ee ka jira Soomaaliya ee kasoo horjeesta go’aankii dowladda fedaraalka ee dhex dhexaadka ay ugu noqotey xiisadaha wadamada Khaliijka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE