Daah Karogid Shir Qool Wayn Oo Dawlada Iyo Shacabka Soomaaliyeed Iska Qaban Waayeen Nus Qarni

Waxaa layiri “fulay xantii ma mooga” ceebtaydu waa maqaal dheeri waxaana iigu wacan mindhaa waa deeqsinimo uun.hayeeshee waxan isku dayi in aan muhiimada uun ku soo gunaanado oo soo koobo mawduucaan,waxaanse kuu balan qaadayaa inaadan kashalaayin waqtigaad galiso akhirintiisa maqaalkan.

Shanta qaaradood ee aduunyada iyo inta dawlado daganba,waxay kala helaan war ama xog,dal walbaana waxa uu lee yahay war gudaha ah iyo mid dibada ah.Warka oo dawlad waliba ugu tala gashay shacabka dalkooda midka ku haboon iyo kaan ku haboonayn sii dayntiisa. Waxaa jirta hadaba maa daama warku khatar yahay,oo wax dhiso hadana suuro gal ay tahay in uu wax baa basho oo dal dhan burburiyo,ayaa loo samee yay wasaarad dhan oo warka uun ka shaqaysa kaliya.  Dawladuhu intaa kuma ekaan ee waxaa lasameeyay nidaam tacliimeed oo lagu dhiso qofkii shaqadan warka ah qabanaya iyo laanta uu ku fiican yahay xaga saxaafada. waxaa lagu bilaabay dugsi sare ama mid u dhigma,heer maxad sare ama jaamacadeed.waxaa dawladuhu shardiyeen in aqoon yahanadaa xirfadan saxaafada lihi hoos tagaan sharciga dalka iyo wasaaradooda,si ay u shaqaystaan uguna adeegaan danta dadka diinta iyo dalka. Ogoow waxa dawladaha caalamka oo idil ka reeban oo xaaran ah in cid aan carbisnayn ahayn xirfadle saxafi ah oo shahaado la aqoon san yahay aan wadan in uu wariye ama saxafi noqdo.

Habar iisho waa warami kartaa sheekadu ka wayn!. Ugu horayn aan qiro in dalwalba shacabkiisa dawladu masuulka tahay, difaaca dalka,dadka iyo diinta,kol haday sidaa tahay waxay ilaalisaa oo tafa tirtaa oo hubisaa war kasta oo dalka laga sii daaynayo,in uu ku qotomo maslaxada dalka. Warkaasi ama ha ahaado mid dibadeed ama ha ahaado mid gudaha ah.dalwalba aduunka waxaan danta dalkeeda ahayn iyo siyaasada dawladu aragto in lagu dhex faafiyaa waa reebantahay.

Warku waa labadaa nooc oo ilaalinta u baahan hadaba kan gudaha ayaa laba usii kala baxaya waana halka dadbadani ku wareeraan.waxay kala yihiin

1.Warguud oo dalka gudihiisa kusaabsan oo tafatir dabadeed loo soo daayay dalka

2.Mid loogu talagalay in aad ziyaaradii sheikh uways ka qayb gasho iyo inaad yaanyo riqiisa suuqa udoonato iyo wixii lamid ah.Waxaase intaa dheer laguugu yeeray in arimo ciyaaraha,tacliinta ardayda oo kale,arimo bulsho oo mada daalo ah lasameeyo iyadoon la ogalayn galid arimo u dhaw siyaasad.hadaba reer galbeedku tanay ku ilxaaxiyaan dadka oo ka dhigaan saxaafad xor ah inay leeyihiin.

Dawlad waliba waa ilaaliyaha saxaafada iyadaana masuul buuxa ka ah arintaa.Warka aduunku 3 buu uqaybsamay marka laga hadlayo dawladaha jira

1.Wadamada reer galbeedka ama horumaray ee isku filaaday asagaadna dhaafay heer waxay gaareen isagoo dal waliba ilaashanaya danta gaarka ah ee dalkiisa ayaa hadana ay ku heshiiyeen inay arimaha waa wayn ee ka gala dunida kale u yeeshaan hal tafa tire,oo ah maraykan.xeer baa kayaal ma dhici karto in wariye reer galbeed ah war sii daayo isagoon amarka haysan xorunta ku taal ameerika ee hubisa warka baxaya ee dadka loo sheegayo si uu ufulo kii u haboonaa iyagoo ku midaysan. ragna halkan ayay la fadhiyaan saxaafad baa xor ah,xornimooy xaal qaado.

Reer galbeed dalkooda nina kuma faafin karo isagoo suxufi ah war ama ha ahaado warku mid been iyo siyaaso ah ama ha ahaado mid dan u ah iyagaba ee.kuwaasi waa dawladaha ilbaxa ah ee hurumaray.

2.Wadamada Aasiya kuwooda Aasiyada fog ah sida bah indhayar iraday xirteen,dadkooda iyagaa u sheegay waxay rabaan umana ogala war nin kale meerinayo mana hooriyaan sida afrikada madoow iyo cigaaleeyda.

3.Afrikada madoow waxaa dalalkooda lala dhex joogaa waxa reer galbeed ugu yeero saxaafada xorta ah! macnaheeduna yahay markaan rabaan shacabkiina ku kicin saxaafada xorta ah oo idin dumin. hadii laba jeer kaliya saacad loo ogolaado wariyaasha reer galbeedka inay noqdaan saxaafada xorta ah ma jiri lahayn dawladnimadoodu. dawlada masar iyo ethiopia waa afrika hadaysan sidaa u xakamayn saxaafada xiligan ma taagnaadeen waa cadahay. hayeeshee afrika badan keeda sababta uugu wayn ee halaagay waa saxaafad xor ah oo lagu sii dhexdaayay wax kastana sheegtay oo sir ah oo dalkaasu lahaa iskuna dirtay dhexdooda.

Inaga Soomaalida Ah Iyo Saxaafada Xorta Ah

Kolkii dawladii dhexe burburtay,waxaa ka faa iidaysta laba qolo oo ah kuwan soo socda

1.Dib usocod,daba dhilif,diin iyo dal iyo dad madaneeye,dal dayece,ama khaainul wadan intan oo hal nin uun ah.

2.Shisheeye dano guracan kaleh baa ba eena dhan diin,dhan dhaqaale,dhan dhaqan,dhan wadaniyad,dhan dawlad nimo, intaba inuu inoo baabasho oo inoo hanto raba.

Hadaba labadan qolo oo ah shisheeye iyo khaadinkiisa ayaa hantay wasaaradii warfaafinta soomaaliyeed,waxay dalkii kusii daayeen wiilal iyo gabdho yaryar oo dhalin yaro ah oo faafinaya wax kasta oo sii kala fogayn kara umada soomaaliyeed.Waxay ku duulaan dawlad kastoo dalkeena ka dhalata oo ay ka horkeenaan shacabka halka ay shacabkana iska horkeenaan. waxay sii fogeeyaan marwalba in dalka soomaaliyeed helo dawlad shaqaysa.waxay meeshaba kasaareen in dalku lee yahay dawlad oo dawladuna sir leedahay. dhanka akale waxay khaldeen shacabkii soo maaliyeed oo u tuseen in dawladu sirba yeelan karin oo waxeedu dibada yaalo.Tani waxay i xasuusinaysaa maah maahdii ahayd “waxay nabadeen waxay na bareen baa nooga sii daran” dadkii iyo shacabkii soomaaliyeed waxayba dhex mushaa xayaan arimihii dawladeed iyo sirtii qaranka iyagooba la soo taagan maxay dawladu qarinaysaa?

Marsii horaysay ayaa madaxwayne AUN Abdullahi yusuf isugu yeeray saxaafadii magaalada caasimada soomaaliya Mogdisho ka hawl galaysay.shirbuu la galay waxa uuna u sheegay in dalka dawladi ka jirto,sharcina jiro u baahan in la dhawro.Markiiba dawladaa qayliyay shisheeye oo yiri saxaafadii xorta ahayd ayuu caburinayaa,hadaadan ka hor dhaqaaqin dhaqaalahaan kaa gosanaynaa iyo kaalmada hadii kale fasax saxaafada xorta ah!!.

Suaal culus ayaa halkan is waydii naynaa soomaaliyeey. Mar hadaynu niri saxaafadi waa tan ku shaqaysa nidaamka iyo danta cida kolba markaa xukunta dal.sikale hadaan u sheegno saxaafadi waxay u adeegtaa intareeska ama danta iyo siday wax u doonayaan kolba cida ay u adeegayaan oo xukunka haysata. waa qeexitaan saxaafadeed oo caalami ah xeer dawli ah aduunkoo dhana haysto.hoos usoo daadag dalkeenu waxa uu lee yahay hada dawlad awoodi intay doontaba ha ahaatee,waxaa jira wasaarad war faa fin, wasaaradu waxay mushaharo siisaa suxufiyiinta,maxaa yeelay nin qalab qaali ah adeegsanaya xili walbana hawl adag u taagan oo war doon ah kama maarmo laba arimood cid kharash garaysay oo maal galisay iyo cid mushahar siisa oo uu u adeego,maxaa yeelay cidina ma iibisi badeeco aan wax kasoo galayn oon lahayn macaamiil.marka yuu u uruurinayaa warka oo ah macaa mii shiisa uu qancinayo oo u adeegayo.

Hadaba kol haday cadaatay in wariye aan cidi ka danbayn oo dirsanin shaqadan qaban karynin si bilaash ah ama fii sabiili laahi ah,hayeeshee dawladii soomaaliyeedna dhinac marsan oo kaligii adeeganaya loona yaqaan saxaafada xorta ah. suaasha waxay tahay yuu u adeegaa oo dirsaday? yuu u adeegayaa wariyahan 27 sanadood makarafoonka la dhex ordaya dalkeena soomaaliya oo aynaan dirsan shacab iyo dawlad ahaan labadaba? war soomaaliyeey waa maxay saxaafadan xorta ah ee ina dhex jiifta ee xorta ka ah xeerka dawlada soomaaliyeed iyo shacabkeedaba? dhanka kale inagu dadkeenu maha dad leh aqoon sare oo bad baadisa alyacnihi maha dad ilbaxnimada iyo bisayl ay lee yihiini ka bad baadin karo war lagu soo dhex tuuray,oo dawlad diid iyo shisheeye qorsheeyeen. wixii laynoo sheegaba waa iska raacaynaa markiiba inagoon wax iska waydiin,waqti siin hubsanina.

Dalkeenu dawlad ahaan iyo shicib ahaanba kuma baraarugsanin in saxaafada dalkeena ka socotaa u adeegayso shisheeye iyo dawladiid had iyo jeerna faa finaya afkaaro ka dhan ah dawlada iyo shacabka soomaaliyeed.Tanoo macnaheedu yahay waxay ka soo horjeedaan gabi ahaanba in soomaaliya ay hesho nabad iyo nolol ah dawlad nima buuxda.

Xalku Waa Maxay?

Waxaa weeye laba arimood oo midi tahay dawlada midina shacabka laga rabo.

1.Dawlada soomaaliyeed hay adeeda sirdoonka haka kacdo fadhiga,cid kasta oo war warinaysa cidaas oo aan hoos iman xeerka iyo nidaamka saxaafada soomaaliyeed,isla markaana aan kamidka ahayn shaqaalaha u diiwaan gashan wasaarada warfaafinta soomaaliyeed waa in ay ka cadeeyaan cida uu u shaqeeyo ee kumaal galisay warintan.Intaa kadib waxay marinayaan xeerka ciqaabta dalka soomaaliyeed waxa uu ka qabo arintaan oo ah dil ama xabsi daa in.Aruurinta meel isugu keenka odayaal iyo dad wayne ku hadla wixii la doono ayadoo aysan dawladu ogayn dal ogoli majiro waana fal danbiyeed wayn dadku ha ogaado taas.Nabad sugidu waa hay ad ka madax banaan hay adaha dawliga kale oo dhan ciday qabsatana cid kadaba iman karta majirto walaa madax wayne walaa raysal wasaare. haka shaqeeyaan saxaafada xorta ah ee lama yaqaanka ah.

  1. Shacabka soomaaliyeed ha is waydiiyaan cida u waramaysaa oo ay wax ka dhagaysanayaan  yay tahay? Aduunku shacab kastaa waxa uu dhagaystaa warka dawladiisa warkaasuuna taageeraa  ee ma dhagaysto war dawlad kale iyo daba dhilif.maxaa yeelay danta shacabku waa dawladooda oo jirta oo shaqaysa marwalba si ay u ahaadaan shacab leh dal haystana nabad iyo nolol iyo sharaf taasoo meesha ka baxaysa hadii lawaayo dawladnimada kolkaa dawladi wax lala simaa kolaba ma jirtee maan kiina galiya.Tusaale shacabka shiinuhu waxa uu dhagaystaa warka dawladiisa soo tafa tirtay,kan maraykanku waa lamid,kan sucuudigu waa lamid.laakiin inagu kan dawladeena maha waxan inoo waramayaa!!

Waa in aan fahanaa cadawga dawladeenu waa cadawga shacab keena cadawga shacabkeenuna waa cadawga dalkeena iyo qaranimadeena.walaalayaal soomaaliyeey waxaad ogaa taan in ay waajib tahay in aan dhagaysano dawladeena la shaqayno si buuxda maxaayeelay waxaa ku jirta danta dadkeena iyo diinteena iyo dalkeena ufiirsada warkaas. Qaar ayaa ku doodi kara dawladu hada iyada xun,oo eex wada,oo qaab daran sideen u raacnaa? Waxaan lee yahay dawladaas xun ayaynu haysanaa hada waana waa jib maha doorasho waa in aynu iyadoo sidaas u xun raacnaa diinteena iyo aqliga saliimka ah iyo wadaniyaduba sidaas ayay qabaan.

 

Ogaada soomaaliyeey walaalayaal dawlad walba waxay xoog iyo sharaf iyo in laga haybaysto ku leedahay markii shacabkeedu garabtaagan yahay.Markaasaa magac dalkeena iyo dadkeenu iyo dawladeenu ahaanayaa mid qiimo ku leh caalamka.fiiro garaa war iyo wariye iyo saxaafad oo dhan ma diidani waxaan doonayaa in wariyuhu u shaqaynayo dalka iyo diinta iyo dadka soomaaliyeed,in uu ilaalinayo xeerka saxaafada dawlada soomaaliyeed waa intaa oo dawlad waliba leedahay aduun yada.cid waramaysa oo dalkeena joogta oo wariye ah  oo kamadax banaan dawladeena iyo shacabkeena oo ina dardaray seen ku aqbalaa oo u dhagaysanaa? dalkeebuuse aduunyada ka jiraa saxaafada xorta ah ninkan layiraahdo?

Waxaan isleeyahay nabadsugida qaranka oo shaqadeeda ka qabsata ninkan layi raahdo saxaafada xorta ah iyo shacabkoo u istaaga inay garab iyo gaashaanba u noqdaan dawladooda oo dhagaystaan warka kasoo yeera dawladooda ayaa meesha ka saari kara cadawgaa shisheeye iyo dawladiid hortaagan qaranimada iyo sharafka umada soomaaliyeed.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE