Madaxweynaha dhawaan galka Ah Ee Hirshabelle Oo Maanta Kusii Jeeda Magaalada Beledweyne

Madaxweynaha dhawaan galka ah ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in maanta safar uu ku gaaro magaalada Beledwyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxza qeyb ka ah Xildhibaano, Wasiiro iyo siyaasiyiin kasoo jeeda labada Gobol, waxaana kulamo wadatashiyo ah ay la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka ee Beledweyne iyo bulshada.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa la wareegey xarumaha maamulka iyo goobaha dadweynaha, iyadoo halkaas ay ku suganyihiin Odayaal taageersanaa madaxweynihii xilka laga qaadey ee Cali Cabdilaahi Cosoble.

Maxamed Cabdi Waare oo todobaadkan  horaantiisa lagu doortey magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in xilka loo caleemo saaro 27-ka bishan aynu ku guda jirno.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE