Madaxweynaha Jubbaland Oo Kormeerey Mashruuca Waraabka Beeraha Ee Gobolka Gedo (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaan (Madoobe) ayaa kormeer ku sameeyey Mashruuca Waraabinta Beeraha ee Gobolka Gedo, oo si habsami leh u socda.

Axmed Madoobe oo ay la socdaan qaar ka mid ah xubnaha Maamulkiisa ayaa si kalsooni leh u marey dhamaan goobaha ay ka socdaan howlaha mashruuca waraabinta oo ku xiran Wabiga Jubba.

Waxa uu la hadlay shaqaalaha gacanta ku haaya shaqadan oo kor loogu qaadayo wax soo saarka Beeraha Gobolka ayaa bogaadiyey shaqooyinkooda, isagoo sidoo kale sheegay in mashruucan lagu baahin doono dhamaan deegaanada seddaxda Gobol ee Maamul Goboleedka jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE