Kuuriyada Waqooyi Oo Ku Hanjabtay Tijaabinta Gantaal Kale Oo Awood Leh

Kuuriyada Waqooyi ayaa muujisay inay maanta oo Jimcaha ku tijaabin doonto gantaal kale oo hydrogen bom ah badda Basifika, kadib markii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu hanjabay in cuna qabateynta madaxweynaha Mareykanka Trump uu dalkiisa ku soo rogay uu kaga jawaabi doonaan ficillo u dhigma daandaansi.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Yonhap News Service, wasiirka arrimaha dibadda Ri Yong Ho ayaa warfidiyeennada u sheegay in waddankiisa uu kaga jawaabi doono tijaabo, handadaadda madaxweynaha Mareykanka Trump uu ka jeediyay shirka guud ee QM horaantii isbuucan.

Trump, ayaa QM horteeda ka sheegay in ay guud ahaanba baabi’in doonaan Kuuriyada Waqooyi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE