Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Magaalada New York Kula Kulmay Madax Kala Duwan (Sawiro)

Ra’iisulwasaaraaha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan New Yorka ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shirka caalamiga ee Arrimaha Abaaraha.

Dhinaca kale Wafdiga R/wasaare Khayre ayaaa Halkaasi kula yeeshay Kulmadii ugu Badnaa Madaxda Adduunka ee shirka isugu timid, waxaana la filayaa inuu Khudbad ka Jeediyo Shirka loo dhanyahay ee Qaramada Madoobay.

Waxaa Wadajir u shir Guddoominaya Soomaaliya, UK, Talyaaniga, Qarammada Midoobay Iyo Midowga Afrika.

Waxaa ka soo qeyb galay Madaxa Arrimaha Dibadda ee EU, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Djibouti, Kenya, Norway, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, mas’uuliyiin sare oo ka socda Turkey, Sucuudiga, Shiinaha, Masar, Japan, Qadar, Imaaraadka, USA, Ruushka, Canada, Jarmalka, Sweden Iyo dalka kale oo badan. Ururka Islaamka Iyo Ururro kale ayaa iyaguna fadhiya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE