Dagaal Culus Oo Ka Qarxey Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal culus uu ka socdo meel magaalada duleedkeeda ah.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamao kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa waxa uu ka socdaa duleedka Bari ee Magaalada Gaalkacyo halkaas oo laga maqlayo hub culus oo labnada dhinaca ay is dhaafsanayaan.

Warar soo baxaya sheegaya in labada dhinaca oo isu adeegsanaya hub culus ay kala gaarayaan gurmadyo kala taabacsan, iyadoo dagaalka xoogiisa laga maqlayo magaalada oo halka xiisadda ay saameysey labada dhinaca ee ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxa laga digaayey dagaal beeleed hor leh oo dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug oo dad isaga diley bariga Gaalkacyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE