Dhageyso Nabadoon Kasoo Jeeda Puntland Oo Ku Baaqey In Dhagax Lagu Dilo Qofkii Nabadda Mudug Soo Hadal Qaada

Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin oo kamid ah waxgaradka Gobalka Mudug ee dhanka Puntland ayaa si adag uga hadlay xaaladdaha hadda ka aloosan ee Gobalkaas, gaar ahaan colaadda saacadihii ugu dambeeyey ka dhacayey.

Nabadoon Xaarin ayaa sheegay in weerar kasta oo ay soo qaadayeen Galmudug tan iyo wixii ka dambeeyey heshiisyadii dhawaan la galay iyo kuwii ka horeeyeyba.

Nabadoonka ayaa cadeeyey in dulqaadkii ka dhamaaday dhinacooda oo ay xooga saarayaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen weerarada abaabulan ee Galmudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE