Doon Hub U Sidey Kooxda Daacish Oo Lagu Qabtey Deegaanka Shimbiraale Ee Gobolka Bari

Ciidamada ammaanka ee maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtey doon la sheegay in ay hub sidey taas oo ka timid xeebaha Bari.

Doonta ayaa waxa lagu qabtey deegaanka Shimbiraale ee Gobolka Bari, iyadoo la aaminsanyahay in hubkan ay u wadey Mlaeeshiyada kooxda Daacish ee ka dagaalamaya Buuraha Galgala.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ayaa doonta u ka xeeyey dhinaca magaalada Boosaaso si hubka iyo raga wadey loogu soo bandhigo degedda Boosaaso.

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa horay u sheegay hubka ay helaan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala inuu ka yimaado dhanka Xeebaha Yemen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE