Dowladda Iiraan Oo Tijaabisey Gantaal Oo Awoodiisa Meel Dhexaad Tahay

Telefishanka ay iska leedahay Dowladda Iiran ayaa baahiyey sawirada gantaalka la tijaabiyey, taas oo dhacdey aroornimadii maanta. Gantaalka ayaa lagu soo bandhigey maalintii Jimacada gaadakacayaar iyo bandhig cidiamada Iiran sameeyeen, waana sawirada telefishanku sii daayey.

Gantaalka cusub ee Iiran tijaabisey ayaa loogu magacdaray Khorramshah waxaana uu gaaraa 2000km, waxaana uu xanbaara karaa dhawr madax.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa xumeeyey xiriirka u dhexeeya Iiran iyo Maraykanka kadib markii uu adkeeyey cunno qabateyntii horey looga khafiifiyey waxaana ugu yeeray in ay yihiin dal soo saara argagxisada, khudbadiisi shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Iiran ayaa sheegtey in hadalada ka soo baxaya Trump ay waxyeelo ku yihiin heshiiskii Nukliyeerka ee dalalka awooda leh iyo Iran ay kala saxiixdeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE