Jaaliyadda Sasuudiga Ee Beesha Biimaal Oo Lagu Guuleystey In La Kala Qeybiyo Iyo Xisbiga Sharta Ah Oo Dhabar Jabiyey Halganka Beesha (Warbixin)

In ka badan shantii sano ee lasoo dhaafey Beesha Biimaal waxay wajaheysay dagaal wajiyo badan oo lagu qaadey deeganada ay ku nooshahay, dagaaladaas oo curyaamiyey horumarka bulshada deegaanada Beesha iyo xagga dhaqaalaha.

Dagaalada lagu haayo Beesha waxa dalaal ka ahaa rag isugu jira siyaasiyiin iyo Odayaal xil guntadayaal ah oo fikir ahaan qaba “Qeybi oo xukun” si ay uga ganacsadaan dhiigga Maatida ee sida xaq darad ah lagu daadinaayo.

Beesha oo soo martey xilli adag oo aan laga sheekeyn Karin ayaa waxa jirey jaaliyado fara ku turis ah oo is garab taag buuxa la sameeyey Ciidamada deegaanka iyo hogaankooda, si looga guuleysto cadoga dibadda iyo kan gudaha ee ka macaashaya dhibaatada Beesha.

Jaaliyadda Boqortooyada Sacuudiga oo Odey uu u  ahaa Xaaji Cumar Maxamed Cali (Moordo) ayaa kaalin aan la hilmaami Karin ka qaatey halganka lagu xureeyey dhul badan oo Beesha degto, waxaana ay sabab muuqata oo aan la inkiri Karin u noqdey in deegaano badan laga fara maroojiyo Cadowga.

Awood dhaqaale ka sokow xag maskax iyo tallooyin ayaa waxay ku lahaayeen halgan iyo Beesha inay ka gudubto marxaladihii adkaa ee xilligaas taagnaa, qoraal iyo sheeko laguma soo koobi karo kaalinta Jaaliyadda Beesha Biimaal ay ka qaateen halganka hase ahaatee aan dib kuu xasuusiyo Gudigii uu hogaaminayey Xogaha Jaaliyadda Ismaciil Xaaji Ibaarhim (Jeego) oo 18 habeen u joogey Saldhigii Ciidamada ee Buulo-garuun in xal laga gaaro khilaaf Cadowga uu ka shaqeeyey oo gudaha hogaanka ka jirey.

Gudiga Ismaciil Jeego waxay wakiil ka ahaayeen Guud ahaan Jaaliyadda uu Odeyga u ahaa Xaaji Cumar oo taleefaan aan kala go’laheyn kula soo hadlaayey gudiga oo hadba la socdey sida markaas lagu sugnaa, waxaana sabab ay u ahaayeen in laga gudbo muranadii taagnaa, oo sababtiisa Ciidanka ay muddo shan bilood ay ugu dhaqaaqi waayeen cadow tallaabooyin yar u jirey.

Shirar iyo kulamo kala duwan ka dib Xaaji Cumar Moordo iyo wiilashiisa ayaa ku guuleystey in isbedel uu ku dhaco qaar ka mid ah Talisyada Ciidanka oo markaas Taliyaha Ciidamada loogu doortey Col Maxamed Sheekh Xasan Suuri oo ilaa hadda haaya talada Ciidamada.

Dadaaladaas iyo kuwo kale oo aan lasoo koobi Karin waxay wadna qabad ku ahaayeen Odayaal is magacaabay oo dano aan la ogaan Karin ka lahaa khilaafka Beesha iyo dib u socodka hogaanka deegaanka, waxay dadaal iyo waqti badan geliyeen sidii ay u kala fur furi lahayeen Jaaliyaddii weydeyn Ee Beesha Biimaal ka saacidey sidii uu u socon lahaa Halganka.

Bishii Ramadaan ee aan soo soo dhaafnay sharwadayaal markaas dhacay raashiin loogu tala galay Shacab barakacayaal ah ayaa dhaqaalihii ay ka heleen dalxiis Sacuudiga ah ku aadey si ay uga faa’ideystaan kala geynta Cududda Miisaanka leh ee Beesha Biimaal u fadhida magaalada Jiddah.

Jaaliayadda iskuma raacsaneyn qaabilidda Odayaasha iyo siyaasiyiintaas dhaca iyo boobka mucaawinada, ku aadey Jiddah, laakiin taas waxay fursad siiyey kala fur furka Jaaliyadda iyo in la gaarey danihii muddo sanado ah la haminaayey.

Waa tallaabadii ugu dambeysey ee Xisbiga Sharta ah ay kaga taqalusaan Cudud mideysan oo hal u jeedo iyo hal cod ka lahaa dagaalada barakaca iyo dhul boobka ee ka socda Shabeelada hoose, in kastoo ay jiraan jaaliyado kale hadane Sacuudiga wuxuu hormuud iyo tusaale uu ahaa halgan socda.

Duqa Jaaliyadda ayaa inta badan shirarka iyo kulamada ay jaaliyadda isku yimaadaan ka sheegi jirey Midnimada iyo iskaashiga si loo gaaro hadafka xoreynta deegaanada Beesha Biimaal oo awoodo kala duwan ay kusoo duuleen hase ahaatee xilligan Xaaji Cumar waxa ka hoos bixiyey Xisbi sharwadayaal ah oo dhibaato ba’an ku qabey Midnimada oo uu hogaanka u haayey Xaajiga.

Hoos Ka Dhageyso Duqa Jaaliyadda Oo Ka Hadlaayo Midnimada Iyo In Loo Midoobo Dagaalka Cadowga…

Iyadoo la adeegsanaayo dad Odayaal la mood ah oo ku sugan Sacuudiga ayaa bartamihii Sanadkii hore Xaaji Cumar Moordo waxay ka qoreen warqad istaqaala ah oo uu ku sheegayo in uu iska casilay xilkii uu haayey laakiin wadatashi ka dib waxa lagu guuleystey in dib loo mideeyo Jaaliyadda dibna loosoo celiyo cududii laga baqi jirey ee ay lahaan jirtey.

Tallaabadaas xilka iska casilidda ah ayaa horudhac u aheyd bur burka iyo kala socodka Jaaliyadda oo dadaaladii maalintaas la wadey Xisbiga sharta ee Muqdisho Miraheeda maanta ay gurteen.

Hogaanka deegaanka ayaa dhibka, ka dhalan kara khilaafka xilligaas bilowga ahaa ku tilmaamay guul darooyin aan la aqbali kairn.

Halkan Waa Cod Qiima Badan Oo Muujiyey Miisaanka Jaaliyadda Iyo Dhabar jabka Ay Ku Tahay Halganka Socda..

Weli waxaan is weydiiyaa Odayaal boobey xilal dhaqan oo aan loo igman oo dhacey Mucaawinno loogu talagalay dad barakacayaal ah sidee loo aqbalay tallooyin ay soo jeediyeen oo lagu duminaayo Jaaliyadda ama isbedel loogu sameenaayo maamulkeeda.

Ku tusaala qaata inta ay sheegan jireen xilal dhaqan iyo siyaasiyiin oo weligood hal tallaabo aan u qaadin sidii ay uga fal celin lahaayeen dhibta ay muteysteen Shacabkiina.

Yuusuf Indha cade iyo wiilkiisa oo hal Teendho ku wada hoydey intii ay joogeen Mina, miyey idin deeqi weysey dhaqanka indha qabadka ah ee aan la idin ka qarinin.

Hadii aad ogtihiin labada ficil ee kala ah dhaca raashiinka masaakiinta ee lagu soo aadey dalxiiska Jiddah iyo in Yuusuf indhacade lagula soo balamay burburinta cududiina oo aad qaadateen raga noocaas ah tallooyinkooda, waxaan idin leenahay weli rajo ayaan ka qabnaa waxqabdkiina ee ka shaqeeya Midnimada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE