Ku Xigeenka Xisbiga Gudoomiyaha Mucaaradka Ee UCID Oo Loo Doortey Nin Kasoo Jeeda Deegaanada Khaatumo (Video)

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Musharaxa Ku xigeenkiisa Wuxuu u magacaabay Axmad Cabdi Abyan oo kasoo jeeda deegaanada Khaatumo, Iyadoona uu meesha ka saaray Baashe Cali Jaamac oo isku diyaariyey inuu isagu Xilkaasi Qaban doono.

Faysal ayaa Maanta Hargeysa kusoo bandhigay Sababta uu ku doortay Axmed Cabdi Abyan oo ka mid ahaa Qurbajoogta, Sidoo kalana xil kasoo qabtay Xukuumadii Cumar C.rashiid.

Dhinaca kale waxaa Isaguna Halkaasi hadal ka jeediyey Axmed Cabdi Abyan wuxuu sheegay inuu ku Faraxsan yahay Xilka loo dhiibay, Wuxuuna Fariin u diray Bulshada deeganada Sool, sanaag iyo Cayn iyo Waliba Qurbajoogta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE