Madaxaweynaha DDSI Oo Markale Ka Hadlay Arimaha C.kariin Qalbi Dhagax Iyo Dadka Isku Qaldaaya Soomaaliya Iyo Dul Kale

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale sheegay inaanu waxba ka khuseyn arrimaha Somalia, Wuxuuna sheegay in Somalia ay kamid ahaan jireen balse iminka ay ka baxeen kadib markii ay meesha ka baxday dowladii rajada laheyd.

Cabdi Maxamuud ”Cabdi Iley”, oo khudbad ka jeedinaayay kulan ka dhacay magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ku dayato is maamulka Soomaalida Ethiopia oo uu sheegay inay kaga horeyso dhan waliba.

Waxa uu Cabdi Maxamuud soo hadalqaaday arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna cadeeyay in la marin doono waxa uu sharciga ka qabo, isagoo bidhaamiyay inuu ahaa danbiile aan lasoo koobi karin danbigiisa.

Waxa uu Cabdi Maxamuud tilmaamay in muddo dheer Qalbi Dhagax lagu qarinaayay Somalia, hayeeshee intaa ay ka shaqeynayeen sida lagu qaban lahaa balse ay iminka u suuragashay. ”Qalbi Dhagax waxa uu galay danbiyo badan cidna kama cafin doonto, waxaan hubaa inay jiraan dad badan oo ka danqanaaya arrinta Qalbi Dhagax, waxaanse cadeyneynaa inay la mid noqon doonaan Qalbi Dhagax”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE