Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabelle Oo Gaaray Magaalada Buulaburde Ee Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha dhawaan la doortey ee Hirshabelle oo maalmahan ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta gaarey magaalada Buulaburde.

Wafdiga madaxweynaha ayaa halkaas waxa kusoo dhaweeyey qeybaha bulshada, halkaas oo sugidda ammaanka ay iska kaashadeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Milateriga Soomaaliya.

Hogaamiyaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo la leh Odayaasha dhaqanka ee Buuloburde, si uu uga dhegeysto tallooyinkooda iyo dhaliilaha ay tirsanayaan.

Waxa jira warara sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare laga yaabo in maamul cusub uu u magacaabo Magaalada, islamarkaana kulamada hada socda uu kala tashanaayo duqeyda dhaqanka sidii maamulkaasi loo hirgelin lahaa.

Dhawaan ayaa Madaxweynaha wuxuu xilka ka qaadey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan isagoo wareegto ku magacaabay Cali Jayte Cismaan oo noqonaya Gudoomiayah Cusub ee Hiiraan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE