Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Shir Gudoomiyey Kulan Looga Hadlaayey Arimaha Dastuurka (Sawiro)

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta shir la qaatey Gudiga Dastuurka qaranka iyo Madax kale.

Shirka oo looga hadlaayey dib u eegsita Dastuurka qaranka ayaa waxa ka qeyb galay Gudoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdi Xaasi Cabdulaahi, Raysalwasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh, Gudoga Dastuurka qaranka iyo kan madaxa banaan.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo heli lahaa dastuur dhameystiran oo uu dalka yeesho, ka hor dhamaadka sanadka 2018, si bulshada Soomaaliyeed ay afti uga dhiibtaan Dastuurka.

Madaxweyneaha jamhuuriyadda Fedaraalka ayaa sheegay in Hey’addaha Dastuurka dalka looga fadhiyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen howlaha hor yaalla, iyo sidii looga mira dhalin lahaa howsha dib u eegista Dastuurka, si shacabka codkooda wax ku doortaan mustaqbalka dhow

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE