Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Dowladda Hada Jirta Ku Dhaliiley Go’aankii Ay Ka Qaadatey Xiisadda Wadamada Khaliijka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigey bartiisa Facebooka kaga hadlay siisadda ka dhex oogan qaar ka mid ah Wadamada Kahliijka.

Qoraalka Sheekh Shariif uu soo dhigey bartiisa ayuu kaga hadley in dowladda Soomaaliya ay ku fududaatey go’aanka ay ka qaadatey khilaafka wadamada khaliijka ee dhexdhexadnimada ay kaga noqotey.

Wuxuu sheegay in loo baahnaa in dib loo fiiriyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya wadamada ku kacsan Qadar ee dhinaca Ganacsiga iyo Siyaasadda.

ASC WALAALAYAAL

Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna.

Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.

MAHADSANIDIIN

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE