Magaalada Boosaaso Oo Lagu Soo Banadhigey Dooni Sidey Hub Sharci Daro Ah (Sawiro)

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa aroornimadii saaka gacanta ku dhigay dooni hub ka dejinaysa xeebta deegaanka Shimbiraale oo ku yaala buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay qabashada dooni wadey saanad hub ah oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culculus, rasaas.

Taliska Ciidamada ammaanka ayaa waxay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ay kusoo bandhigeen doonida laga soo qabtey xeebaha Shimbiraale ee Hubkii sidey.

Saraakiisha ayaa waxay usheegay in ay wadaa Baaritaan ay ku sameynayaan Doontaan iyo halka laga lee yahay, waxayna sheegeen inay dib kasoo gudbin doonaa, wax kasoo baxa Baaritaankooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE