Shacabkii Soomaaliyeed Iyo Sheekhoodii Oo U Tafaxaytay Taakulaynta Ciidankooda Qaranka

Maanta waxaa soomaaliya qormaysa taariikh cusub oo kaba cajab badan tii xoriyada lagu dhaliyay iyo hal gankii gobonimadoon ee soomaaliya isaga tuur tay heer yadii gumaysi iyo gunimo. dadka soomaaliyeed oo degan geeska afrika ayaa leh dhul baaxad balaaran iyo laba badood. Waxay ka midaysan yihiin wada dhalasho isir ah,af kaliya muuqaal iyo midab isku mid ah.Waxay leeyihiin hal diin oo kaliya taas oo ah islaam suni ah. waa dad tiro ahaan ah 35-40 malyuun iyadoon wali lahayn tirakoobkii saxda ahaa lana filayo in ay intaa kabadan yihiin.

Taariikhdu siday cadaysay jirtana waxaa dadkii soomaaliyeed loo qaybiyay 5 qaybood 1884 sanadku markuu ahaa. oo kala ah sidan hoos ku xusan eeg.

1 Qayb lasiiyay Ethiopia koox kiristan ah oo haysatay xukunka oo gaalo cadaan ahi siisay dhulka soomaali galbeed

2 Qayb Nfd dhulka Soomaaliyeed  oo lasiiyay koox gaalo ah oo xukunka kenya haysatay

3 Qayb gaalo cadaan ahi qaadatay oo ah Faransiis hadana ka xoroowday oo ah dawlada jabuuti ee soomaaliyeed

4 Qayb somaliland oo ah dhul soomaaliyeed ee waqooyiga oo gaal Ingiriis qaatay xoriyadoodii helay oo dib uula midoobay dadkoodii laga jaray shalay.

5 Qayb koonfur soomaaliya oo gaalo cadaan ah oo  talyani  ahi qaateen xoriyada helay lana midoobay dib gobolada waqooyi kala qaybintii gumaysi kadib.

Markii sidan laynoo qaybi naayay waxaa laga hortagaayay in ay halkan ka jirto dawlad soomaaliyeed oo muslim suni ah oo u talisa afrika mustaqbalka.Hayeeshee markii laba qaybood oo koonfur iyo waqooyiga ahi dhisteen dawlad ah JAMAHUURIYADA DIMIQRAADIGA SOOMAALIYA. waxaan markiiba noqonay dad xawaaro dheer ku socday.gumaystuhu sida afrikada kale inoogama tagin warshado iyo dhismayaal iyo jidad iyo waxbarasho waxaan ka bilawnay meel banaan.Mudo aad u yar oo sanooyin uun ah ayaan ku gaarnay heerarkan soosocda ee eeg hada.

1.Qorida afka hooyo af-soomaali marka laga reebo Eithiopia oo aan la guumaysan iyo masar mooyee afrika oo dhan cidii gumaysatay afkii ay ku hadlayeen ayaa loo qoray oo isku maamulaan ilaa hada.markaa afrkada la guumaystay wax afkiisii qortay oo ka xoroobay afkii isticmaarsiga soomaali ayaa ka jirta.

  1. Ciidan leh milatari,booliis,nabad sugid,ciidanka bada,kuwa asluubta,ciidanka cirka ayaan yeelanay oo ah kuwa u tayo sareeya afrika oo dhan. waxay ilaaliyeen dhulkeena,bad,xuduud bari,cir, iyo dhulba in aan cadaw soo damaaciyin,kii isku dayana cashar bay u dhigii jireen.

Hadaba waxa dal qiima leeyahay xuduudiisa sugan tahay markuu lee yahay ciidan ilaaliya,hadii xuduudu iska furan tahay dal iyo dawlad lama oran karaayo.Kolhaday sidaa tahay soomaaliyeey dal iyo dad jira ma ahaan karo hadaynaan helin ciidan kii xooga dalka soomaaliyeed oo aan dib loo taagin. suaashaa waxay tahay yaa inoo dhisaya ciidan? ma maraykan baa inoo dhisaya oo aan ka sugnaa? ama amisom baa inoo dhisaysa oo aan ka sugnaa? ma sucuudi iyo emaaradkaa inoo dhisaya iyo qadar oo aan ka sugnaa? ma turki ayaa inoo dhisaya oo aan ka sugnaa?

Waxaa hubaal ah in aynaan afrika iyo carab iyo yurub midna kasugin dhismo ciidankii xooga dalka soomaaliyeed.Waxaa larabaa in hadaynu nahay shacabkii soomaaliyeed u istaagno in aan maalkeena iyo dahabkeena iyo biilkeena ka soo gooyno mushaharkii ayku shaqayn lahaayeen ciidankeena ina difaacaya ee dalkeena ka ilaalin lahaa cadawga.waa inaan fadhiga ka kacnaa u istaagnaa xoraynta dalkeena iyo difaaca dalka dadka iyo diinta.Waa inaan iska daynaa baryada shisheeye. waa inaan isku tashanaa oo waa karaaye ciidankeena meel saaraa mushaharkooda iyo taakulayntooda.

Dawladnimaan rabaa iyo ciidankayga taakulayn maayo meel mada gali karaan!! ciidan marabo hadana dawlad nimaan rabaa suuro galmaha.FARMAAJO IYO KHAYRE oo kaliya maxay inoo qaban karaan oo gaara oo aan kasugnaa sow dalka inagu malihin.dawlad nimada ma waxaa iska leh baarlamaanka iyo FARMAAJO IYO KHAYRE?  yaa umaqan ciidankeenan u baahan taakulaynta dhaqaale oo kaliya?

Culamadeena ehlu diinka ah wadaniga ah illaahay yaqaan ee garanaya qiimaha dawladnimada iyo waxa diinteenu ka tari ee inoo kacay maxaan u raaci lanahay taladooda ah taakulee ciidankaaga si aad u difaacdid diintaada dadkaaga iyo dalkaagaba.CAALIMKEENA WAYN XAFIDULLAAH SHEEKH BAARUUD ina raacsha oo aan ku kaalmayno halgankaas uu wada oo ah in aan maalkeena ku bixino ciidankeena sooma jeed sadayaasha ah.maha in aan dhexdeena isku xag xagano hebal baa la dhiibay iyo maxaa loo dhiibay iyo waa la dhiibayaa!! hadaan diidayno taas soomaaliyeey aan dhisano ciidankii inaga difaaci lahaa in aan dalkeena iyo dadkeena iyo diinteena cidina ku soo xad gudbin kii isku dayana cashar loo dhigo. waxa arinkaa fulin karaa waa ciidankii xooga dalka soomaaliyeed oo aan inagu hagranayno.

Waan bixinkaraa ciidamadeena mushaharkooda iyo taakulayn tooda ee aan u istaagno soomaaliyeey walaalayaal oo ka baxno gunimada iyo fool xumada inagu socota.waxaa haboon in dadka nidaam loo sameeyo ay wax ku bixiyaan sida tusaale ahaan in xawaladkasta macmiilka lasiinayo lacag laga qaado qaaranka taakulaynta ciidanka dalkeena oo 3 dollar in ay u godo ciidanka wixiisa kalana lasiiyo.kan dibada jooga ee soo diraya xaawaldana laga qaado isna 3 doolar oo kaliya.

Dadka shirkadaha u shaqeeya ganaacsatada iyo shaqaalaha dawladana laga qoodo qofkiiba 3 doolar.lana sameeyo KITAABKA TAAKULAYNTA QARANKA SOOMAALIYEED oo lagu qoro muwaadinka dalkiisa maalkiisa u huray kaasoo yeelan doona tix galin gaara isaga iyo ubadkiisuba.

Arintan oo qofku si xor ah oo iskiisa uu u bixinayo maxaayeelay waa arin damiir iyo iimaan ku xiran. soomaaliya oo hada lagu qiyaaso 15 malyuun hadii la helo 4 malyuun oo ninkiiba bishii oo dhan bixiyo kaliya 3 doolar waa garan kartaan xisaabtaas waa 12000000 laba iyo toban malyuun.

markaa ciidankeena miyaa sidan u dayacnaan lahaa oo gaajo u dililahayd iyo daawo la aani? hadaan lacagtaan bixino ma dalkeenaa maanta sidan baylah u ahaan lahaa? ma ciidamo shisheeyaa laynoo soo kiraysan lahaa oo lacag inugu dul cuni lahaa? ma eithiopian ayaa wax inaga qaadi lahaa maanta? ma ninbaa inta afka soo duubto dadkeena horteena ku birbirayn lahaa iyo culadeenii diinta?

Ciidanka aan biilano si aan u xoroowno cidna yaynaan kasugin hala garab istaago sheekheena iyo culamadeena inoo kacaday.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE