Waraaqado Ay Ku Qoranyihiin Digniino Culus Oo Lagu Daadiyey Xaafado Ka Mid Ah Degmada Wartanabadda Ee Gobolka Banaadir

Degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa  waxa lagu daadiyey waraaqado digniin ah oo loo dirayo dhalinyarada ku dhaqan Degmada.

Waraaaha oo digniin loogu dirayo dhalinyarada dooneysa in ay ka faa’ideystaan shaqa abuurka uu balan qaadey Maamulka Gobolka Banadir ayaa waxa ku sawiran bambo iyo Bistoolad dhalinyarada loogu hanjabaayo in loo adeegsan doono.

Qaar ka mid ah Xaafadaha Wartanabadda ayaa lagu daadiyey warqadahan iyadoo dhalin yarada looga digaayo ka qeyb galka shaqa abuurka degmooyinka Gobolka Banaadir uu balan qaadey in shaqooyin la siin doono ilaa kun Dhalinyaro.

War horey uga soo baxey Kooxda Alshabaab ayaa Waalidiinta looga digey in Dhalinyarada ay ka celiyaan shaqa abuurka Gobolka Banaadir, waxaana arintaas ay ku sheegeen in Ciidan ahaan loo qorooyo Dhalinyarada taasna ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan.

Alshabaab ayaa caqabad u aragta shaqaaleysiinta Dhalinyarada shaqa doonka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE