Dhageyso Wasiirada Maamul Xaaf Oo Ka Wada Hadlay Xalinta Khilaafkadka Madaxda Iyo In Aan La Qaban Karin Shirar Siyaasadeed

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Cadaado, iyagoo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Madaxda maamulkaas.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladihi u dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug, waxaana laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Massagaway ayaa saxaafada uga warbixiyay shirka iyo go’aamada laga soo saaray.

Go’aamada shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa in la joojiyo shirarka siyaasadeed inta xal laga gaarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE