Garoonka Diraadaha Aadan Cadde Oo 27-Sano Ka Dib Diyaaraddii Ugu Horeysay Ay Kasoo Degtey Xilli Habeen Ah (Sawiro)

Mudoo laga joogo 27 sano ka dib Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, waxa xilli habeen ah kasoo degtey diyaaraddii ugu horeysey.

Diyaarad lagha leeyahay shirkadda Jubba Airweys ayaa rakaab ka badan boqol ruux xalay sideedii fiidnimo kasoo dejisey Garoonka Aadan Cadde International, oo sanadihii lasoo dhaafey shaqeenayey maalmihii.

Dowladda fedaraalka oo xilli hore ku dhwaaqdey in garoonka si caadi ah uu u shaqeenayo xilli walba ayaan suura galin ka dib muran ka yimid xagga amaanka oo Ciidamada AMISOM ay sheegeen in ay damaanad qaadi karin amaanka Garoonka xilliga habeenkii.

Garoonka ayaa waxa albaabada loo laabi jirey 5-ta Galabnimo markaas oo ay shaqada ka tagi jireen shaqaalaha Garoonka, hase ahaatee xilligan ayaa waxa la xaliyey muranadii taagnaa iyadoo maalin iyo habeen garoonka uu heegan u yahay inuu shaqeeyo.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa habeenkii adeegsada diyaarado aan la aqoon, balse loo maleynayo inay yihiin diyaarado milateri, waxaana dadka ay habeen walba maqlaan guuxa diyaarado saq dhexe dega.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE