Madxadaweynaha Hirshabelle Oo Gaarey Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirsballe Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaarey magaalada Jalalaqsi oo ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay kusoo dhaweeneen saraakiil tirsan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxdaweynaha ayaa kulamo looga hadlaayo xaaladda degmada iyo deegaanada hoos yimaada la qaadanaya saraakiisha Ciidamada is garabsanaya ee halkaasi ku sugan iyo Odayaasha dhaqanka.

Maxamed Cabdi Waare oo kulanka ka hadlaayey ayaa sheegay in aan la aqbali karin xirnaashiyada wadooyinka soo gala qaar ka mid ah degmooyinka Hiiraan iyo wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho ilaa Beledwene oo ay go’doomiyeen maleeshiyadaadka kooxda Alshabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE