Ra’iilulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Kulan La Qaatey Xogayaha Guud Ee Qaramada Midoobey (Sawiro)

R’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre  oo ku sugan Magaalada New York ee Dalka Maraykanka ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres isagoo kala hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre sheegay in ay ka wadahadleen sidii Qaramada Midoobey. ay usii xoojin la aheyd taageeradda ay siiso Soomaaliya. Qodobadda ay sidoo kale falanqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah sida wax looga qabankaro Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyrre ayaa u sheegay Xogahayaha Q.M in Dowladiisa ay u baahantahay Taageero weyn oo ay ka hesho Qaramada Midoobey isagoo balan qaaday in ay waxqabad la imaan doonto.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya maalmahan la qaadanayay Madaxda ka qeyb galayso Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE