Ciidamada Amaanka Oo Xirey Isgoyska KM 4, Ka Dib Gaari Laga Shakiyey Oo Halkaas Lasoo Dhigey

Wararka ka imaanay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xireen gabi ahaan wad ada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Arinta ayaa sida wararka ay sheegayaan waxay ka dambeysay kadib markii gaari laga shakiyay lagu arkay wadada aada garoonka diyaaradaha oo ka mid ah wadooyinka mashquulka badan.

Gaari oo noociisu yahay Kaarib ayaa dad goob joogayaal ah sheegayaan in lasoo dhigay wadada dhinaceea ee wadada Aadan Aadan Cadde, waxaana ciidamada ay diideen adeegsiga wadadaasi.

Wadooyinka halbowlaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa si joogta ah uga dhaca qaraxyo lo oadeegsado gaari kuwa raaxada ah, hase ahaatee waxa taasi bar barsocda qaraxyo ay fashilinayaan Ciidamada xasilinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE