Donald Trump Oo Wadamo Hor Leh Ka Mamnuucey Inay Galaan Dalka Mareekanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixey sharci cusub oo dhigaya dalalka aan loo oggoleyn in muwaadiniintoodu u safraan Maraykanka, ama la siiyo dal ku gal.

Dalalkii hore ee lixda ahaa waxaa laga saarey dalka Sudan, waxaana lagu soo daray dalka Jaad ee Galbeedka Afrika, Venezuela iyo Kuuriyada Waqooyi, taas oo tirada guud ka dhigeysa 8 dal.

Sharcigii hore ee muranka badan dhaliyey ayaa khuseeyey lix dal oo Soomaaliya kamid tahay kuwaas oo dhamaantood ahaa dalalka Muslimiinta, hadda waxa uu ku soo darey laba dal oo aan kamid ahayn kuwa Muslimiinta sida Venezuela oo dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka taagan tahay iyo Kuuriyada Waqooyi oo xiisad adagi ay ak dhex taagan tahay iyaga iyo Maraykanka.

Liiska cusub ayaa noqonaya, Yaman, Liibiya, Soomaaliya, Siiriya, Iran, Jaad (Chad) Kuuriyada Waqooyi iyo Venezuela. Liiska cusub waxaa laga saarey dalka Suudaan, Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanku looga taliyo ma sheegin sababta Suudaan looga reebay liiska.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in shaqadiisa u horeysaa ay tahay in Ameerika ay noqoto mid amaan ah, sidaas darteedna dalalkaas aan loo oggolaan doonin in dadkoodu ay soo galaan Maraykanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE