Janaraal Cabdulaahi Waafow Iyo Gudoomiye Yariisow Oo Magaalada Muqdisho Kulamo Kula Qaatey Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Iyo Siyaasiyiinta Beesha Biimaal (Sawiro)

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow) iyo Gudoomiye Maxamed Cali Yariisow oo safar ku jooga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa halkaasi ka wada kulamo looga hadlaayo xaaladda Gobolka.

Kulamo ayaa intooda badan waxa ay yihiin kuwo xoogga lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa dagaalada wajiyada badan iyo siyaasad xumida ku hor gudban xasiloonidda Gobolka oo shantii sano aan soo dhaafney la daalaa dhacaya dhibaatooyin kala duwan.

Janaraal Waafow iyo Gudoomiye Yariisow ayaa kulamadii ugu dambeeyey la qaatey qaar ka mid ah xildhibaanada Beesha Biimaal ee dowladda fedaraalka iyo siyaasiyiin Gobolka u dhashey oo ay kawada hadleen sidii loogu guntan lahaa xal u helidda Shabeelada Shabeelada hoose.

Waxa jira kulamo iyo shirar lala yeelan doono siyaasiyiin iyo indheer garad si loola wadaago dadaalada la doonayo in lagu sii wado xoreynta Shabeelada hoose oo dagaallo wajiyo kala duwan loo adeegsanaayo lagu soo qaadey.

Horey ayaa waxa u jirey Shirar ay wadeen saraakiisha Ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay Taliska Xalane oo mas’uuliyiintan kala hadlay dagaalada ka dhanka ah cadowga nabad diidka ah ee curyaamiyey dowladnimada iyo nidaamka maamul.

Siyaasiyiinta Gobolka qaarkood ayaa doonaya in miisaan culus ay ku yeeshaan xalka kama dambeyska ah ee looga guuleysanayo cadowga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE