Janaraal Waafow Iyo Gudoomiye Yariisow Oo Booqdey Dhaawacyada Ku Jira Isbitaalka Daarul Shifa Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow ayaa booqdey bukaano ku jira Isbitaalka Daarul shifa ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa isbitaalka ku booqdey dhalinyaro qaba dhaawacyo kala duwan oo kasoo gaarey dagaalada lagu jiro cadowga soomaaliyeed ee Alshabaab, waxaana ka mid ah dhaawacyada kuwii ugu dambeeyey ee ku waxyeeloobay dagaal culus oo Alshabaab ay kusoo qaadeen degmada Nambar 50 iyo nawaaxigeeda.

Dhinaca kale Jaraal Waafow iyo Gudoomiye Yariisow ayaa howlwadeenada Isbitaalka iyo Mas’uuliyiintooda uga mahad celiyey sida ay u qaabilaan dhaawacyada kala duwan ee kusoo waxyeelooba dagaalada barakicinta ah ee ka socda Gobolka Shabeelada hoose.

Waa Markii ugu horeysey oo talaabadan ay qaadaan Labada mas’uul ee hogaanka u haaya halganka lagu difaacaayo Shacabka shabeelada hoose oo ay ku booqdaan bukaanada iyo dhaawacyada, xilli la ogyahay in ay aad u adkeyd in dhaawac ay ku booqdaan isbotaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE