Ra’iisalwasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Kormeerey Tayada Goobaha Ay Ku Shaqeeyaan Qaar Ka Mid Ah Bahda Caafimaadka (Sawiro)

Raysalwasaare ku-xigeenkaXukuumadda Federaaliga ah Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casrisan Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE