Shir Natiija La’aan Kusoo Dhamaadey Oo Xalay Golaha Wasiirada Ay Ku Yeesheen Magaalada Muqdisho

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shir deg deg ah isugu yimid ka dib khaliif ka dhashey xiisadaha wadamada Khaliijka oo saameyn ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada oo shir gudoominaayey Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku kala qeybsamey sida laga yeelaayo khilaafka soo if baxey ee ka dhex jira Maamul Goboleedka Galmudug iyo Dowladda fedaraalka.

Xubnaha qaar ee Golaha Wasiirada ayaa soo jeediyey in Maamul Goboleedyada cadaadis lagu saaro sidii ay u aqbali lahaayeen ka laabashada go’aanada ay ka qaateen xiisadaha Wadamada Khaliijka, halka wasiiro kale ay soo jeediyeen in dowladda fedaraalka aanay kaligeed xaq u laheyn in ay go’aan ka gaarto masaalixda dalka.

Wasiirada qaba in dowladda aanay go’aan ka gaari karin masaalixda dalka ayaa sidoo kale aragti ahaan soo jeediyey hadii dowladda dhexe ay dhaqaale ku qaadatey arinta dhexdhexaadnimada ah in lacagaha qaar loo gudbiyo maamul Goboleedyada si loogu qanciyo doorka dowladda dhexe ay ciyaartey.

Waxa jira Wasiiro qaar oo ku talinaya in dowladdu ka laabato mowqifkii ay horey kaga qaadatay xiisadda Khaliijka, si loo mideeyo go’aanada Maamul Goboleedyada iyo midka dowladda.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa markii dambe soo xirey shirka Golaha Wasiirada, iyadoo aan la gaarin wax natiija ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE