Ciyaar Kubadda Cagta Ah Oo Dhiir Gelin aH Oo Shalay Magaalada Marka Ku Dhex Martey Laba Kooxood Oo Kala Mataalyey Ceeljaalle Iyo Marka (Sawiro)

Ciyaar u dhaxeysay laba kooxood oo laga soo kala xulay deegaanka Ceeljaale iyo Xaafado Marka ka tirsan ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtey Garoon Ciraayeed ku yaala magaalada Marka.

Labada kooxood oo ku kala ciyaaraayey magacayada Loshdo iyo Fagax ayaa ciyaar wanaag ay u riyaaqeen daawadayaashii kasoo qeyb galay soo bandhigey, iyadoo ciyaarahan ay ka mid yihiin kuwo lagu dhiira gelinaayo dhalin yarada maanta.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa kusoo idlaatey waqtigii loogu talagalay 4-1, oo ay guusha ku raacdey kooxda ku ciyaareysey magaca Loshdo oo ah koox kubadda cagta oo ka dhisan Magaalada Marka, halka kooxda ku ciyaareysey magaca Fagax hal gool ay timid.

Dadweynihii ciyaarta kaso qeyb galay ayaa soo dhaweeyey  in dhiiro gelin joogta ah loo sameeyo dhalin yarada maanta ee mustaqbalka Berito.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE