Dhageyso Gudoomiyaha Baarlamaanka Nus-Galmudug Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Xabsi Guri Ku Ah Magaalada Cadaado

Gudoomiyahya Baarlamaanka Maamulka Nus galmudug oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xabsi guri ay ku yihiin xarunta madaxtooyada oo markii hore ay degenaayeen.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in seddax mas’uul oo isaga uu ku jiro ay xabsi guri yihiin, ayaa tilmamaay in lagu wargeliyey in aanay ka bixi karin xaruanta, hadii arintaasi ay ka dhega adeegaanna aan la damaanad qaadi karin amnigooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey in ay ku jiraadaan xabsi guriga, waxaana intaas uu ku darey Cali Gacal Casir in maalintii seddaxaad la hor istaagey fadhiyada baarlamaanka maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE