Dowladda Mareekanka Oo Gaadiidka Gaashaaman Ugu Deeqdey Ciidamada Xoogga Dalka (Sawiro)

Wasaaradda difaaca dowladda Mareekanka ayaa gaadiidka gaashaaman ee ay istcimaalaan Milateriga ku wareejisey dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Gaadiidka aan xabadda karin ee loogu talagalay in ay ku shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si ay u baacsadaan maleeshiyada argagaxisada ah ee Alshabaab.

Dowladda mareekanka oo ka mid ah dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa door wax ku ool ah ku leh xoojinta iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo ay jiraan tawabaro ay siiyaan Ciidamada.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa qalab la’aan iyo taya la’aan ku shaqeeyo, ayaa waxaana jira saraakiil aan u diyaarsaneyn qalabeynta Ciidanka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE