Kooxda Alshabaab Oo Gobolka Gedo Ku Toogtey Nin Odey Dhaqameed Ahaa

Wararki ka imaanaya Gobolka Gedo ee Galbeedka Soomaaliya ayaa ku waramaya in halkaas lagu togtey Odey dhaqameed aan ka ahaa deegaanada Gedo.

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa sida wararku sheegayaan dil naxdin u geystey Odey ay ku eedeen in uu ka tirsanaa Odayaashii Xildhibaanada kusoo doortey magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.

Dilka oo ka dhacay deegaan u dhaxeeya degmooyinka Garbahaareey iyo Luuq ayaa waxa lagu magacaabaa quraan googoo, iyadoo halkaas maleeshiyada Shabaab ay ugaarsadeen Ninka oo in muddo ah halkaasi ku dhaqnaa.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor) ayaa noqonaya Ninkii ugu horeeyey ee lagu eedeeyo in uu ka mid ahaa Ergadii Kismaayo Xildhibaanao kusoo dooratey oo lagu diley Gobolka Gedo.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa ugaarsi iyo beegsi ku haaya dadka ay uga shakisanyihiin xiriirka dowladda iyo la shaqeynta Ciidamada Amisom, iyadoo si ula kac ah ay toogtaan Shacabka aan ku shaqa laheyn siyaasadda dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE