Madaxweyne Farmaajo Oo Diyaarad Gaar Ah Ka Raacay Garoonka Aadan Cabdulle Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Madaxweynaha usoo dirtey diyaarad gaar ah oo ka muuqdo Calanka Sacuudiga, iyadoosafarkan uu noqonaayo kii seddaxaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Boqorooyada Sacuudiga.

Booqashadan ayaa la filayaa in ay idb u hagaajiso xiriirka labada wadan oo wax xoogaa mugdi uu soo kala dhex galay markii dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in dhex dhexaad ay ka tahay xiisadaha wadamada Khaliijka qaarkood.

Waxa sidoo kale la filayaa in safarkaan labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan sidii Dowladda boqortooyada Sacuudiga ay wax uag qaban laheyd mashaariicyo ay balan qaadey in ay ka fulineyso gudaha dalka Soomaaliya.

Dalka Sacuudiga ayaa hogaaminaya xulafo ku kacsan dowlada yar ee Qadar, waxaana la safan dowlado kale oo dhamaantood danahooda ka arkey dhinaca xulafada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE