Weeraro Isugu Jira Bambaano Iyo Madaafiic Oo Lagu Qaadey Saldhig Ay6 Degenyihiin Ciidamada Xasilinta

Weerar loo adeegsadey bambaanooyin iyo madaafiic ayaa waxa lagu qaadey Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo farsiin ku lahaa xaafadda Ceyminka degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegayaa in dhismaha Ceymiska oo horey ay u deganaayeen Ciidamada Milateri ah ay marka hore ku weerareen bambaanooyin ka dibna ay la dhaceen madaafiic.

Waxa halkaasi ka dhacay isku dhac kooban oo dhex marey Ciidamada xasilinta iyo kooxaha hubeysan, waxaana lasoo sheegayaa in dib loo jabiyey debleydii weerarka soo qaadey.

Ciidamada xasilinta ee lasoo hujemey ayaa markii dambe ku faafey xaafadaha degmada Yaaqshiid, halkaas oo ay ka boodi goobayaan kooxaha falalka amaan daro ka geysta degmada iyo xaafadaha ku dhow dhow.

Weerarkan ayaa sida dad goiob joogayaal ah ay sheegeen wuxuu noqonayaa weerarkii seddaxaad oo lagu qaado dhismayaasha ceymiska oo usbuucyo ka hor ay soo degeen Ciidamada xasilinta Caasimada dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE