Dhageyso Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Oo Dib Loo Dhigey

Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo la filayay in maanta oo ah, 27 Sept uu ka dhaco Xarunta Maamulkaasi ee jowhar ayaa Dib u dhac Uu ku Yimid.

Sababta ka dambeeya Baaqashada, Caleemo saarka Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in ay tahay, Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka oo ugu yeeray Muqdisho, si ay kala hadlaan arrimo badan oo ku saabsan Xaalada Maamulkan Curdanka ah ee Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cali Caadle, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Baaqashada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Wasiir Caadle ayaa sheegay in uu Baaqday Caleemo Saarkii Madaxweyne Waare, oo lagu waday in uu Qabsoomo 27 Sept, oo maanta ku beegan, waxaana uu tilmaamay in uu u Baaqday Sababo la xiriira Madaxweynaha Oo Looga Yeeray Villa Soomaaliya Iyo Xarunta Xalane oo Saldhig u ah Beesha Caalamka.

Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa Sheegay in Caleema saarka Dib Loo Dhigay oo loo Qorsheeyay Mar kale in uu Qabsoomo 5 Bishan Fooda nagau Soo Heysa Ee October.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE