Dhageyso Ra’iisalwasaare Xasan Oo Sheegay In Xukuumaddiisa Muhiimad Gaar Ah Ay Siin Doonto Horumarka Dalka

Mudane Xasan Cali khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go,an tahay horumarinta Dalka iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta dowladda ayaa Mudane Kheyre uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaara siinayso xaqiijinta Amniga taasoo uu sheegay in Dowladdu door gaara siinayso Nabadaynta Guudahaan Dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali ayaa wareysiga uu siiyay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda tusaale ahaan usoo qaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Qorshaha Xasilinta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE